Waxbarshadu
waa qayb kamida baahiyaha aasaasiga ah ee bulsho ama dadyow meel dagani ay
qabaan ama ay u baahan yihiin.
Waxaa
jira bulshooyinka qaar iyagu tayeeyey waxbarshadooda fahmayna inay tahay furaha
nolol badhaadhe leh, Halka ay wali qaarna aanay
fadhigii ka kicin oo ayna dhankaa wali dhisin mihiim wayna ayna siin.
Waxbarshadu
inay tayo beesho waxaa u sabab ah dhowr arimood oo kala duwan.
1. Dawlada ama xukuumada
ka talisa goobta dadku ku nool yihiin taas oo aan ku baraarugsanayn, muhiimada
waxbarashadu ay leedahay saas awgeedna aan xil wayn iska saarin wax ka
qabashadeeda ama tayaynteeda.
2. Bulshada
ayaa iyana ka mid ah oo aan ahmiyad wayn siin wxbarshada, isla markaana ku
mashquusha arimo kale, halkaasna waxa ku xidhma albaabka laga heli lahaa
waxbarsho tayo leh oo la dheefsado.
3. Dhalinyarada
ama ardayda ay tahay inay waxbartaan, oo qudhoodu sahashada ama dhalaysada
aqoon helida iyo waxbarashada gabi ahaanteedba.
4. Dugsiyo iyo
goobo waxbarsho oo iyaguna yaraada ama tayo beela taasina waxay ka qayb noqotaa
in waxbarsahada ay tayo li ku dhacdo.
Xalku waxa uu yahay.
1) In dawlada
iyo shicibkuba ay iska kaashadaan iskuna garab galaan sidii loo heli lahaa waxbarsho
tayo leh, oo la qaadan karo iyo manhajka oo la dhiso lana qabyo tiro.
2) Bulshadu
inay noqoto mid aad u danysa waxbarashada oo si joogta ah ula socota hadba
xaalada ay maray aqoontu, mid gudeed iyo mid dabadeedba.
3) Dhalinyarada
oo iyana xalka ugu muhiimsani ag yaalaano waa inay niyada u furaan waxbarshada
dalkooda taala, waxna ugu qabtaan cilmiga ya barteen ama bartaan si ay u
yagleelaan waxbarsho tayo leh, dadkooduna u dhaxlaan tacabkaa.
Saamaynta waxbarsho bilaa tayo ahi ay leedahay
In
aqoonta iyo waxbarshadu ay tayo beesho waxaa ay aad u saamaysa nolosha dadka
iyo waayaha ay hadba ku jiraan, taas oo sababi karta jahligu inuu gaadho xadi
aad u sareeya isla markaana keeni karo burbur nololeed oo baahsan, kaas oo
gaadha ama saameeya qaybaha ugu muhiimsan ee nolosha iyo noolaha.
Waxaa ka mida saamaynta.
1. Burbur iyo
kala qaybsami ku timaada bulshada oo uu sababay jahligu.
2. Xad gudubyo
diineed iyo xadgudubyo gaar ahaaneed, kuwaas oo ka dhashay aqoon la’aanta
bulshada ku baahsan ee tayo la’aantu sababtay.
3. Horumar
la’aan, waa saamaynta ugu muga wayn ee aqoonta oo tayo beesha sababto.
4. Caafimaad
daro, waa samayn gaar ah iyaduna.
Sababto oo ah caafimaadku waxa uu aad u koraa adeegyo badan oo
sahlaya in xaalad lala dagaalmona la hela waa marka aqoonta la koriyo ee dunida
hadba meeshay maray lala socdo.
Balse hadii aanay aqoon tayo lahi jirin waxaa ku dhacaya gaabis
aad u sal dheer oo dhalin kara xaalado adag oon la xalin karin.
Ardaygu in waxbarshu tayo beesho ma sababi karaa?
Aragtidayda
haa, sababta oo ah ardayga weeye qofka laga rabo inuu waxbarshadiisa aad u
tayaysto oo uu koriyo.
Isaga
oo raacaya qodobo yaryar oo qof kastaa samayn karo.
1. Inuu galo
goobo uu ku kaabayo aqoontiisa ama xirfadiisa.
2. Inuu
joogteeyo akhrinta iyo ku noqoshada casharda uu qaato si joogto ah.
3. Niyad u
haynta inuu waxbarto, oo uu noloshiisa maareeyo, kuna anfaco.
Ardayga
marka ayna ka go’nayn inuu waxbarto, sagsaaga ugu wayni isaga ayuu ka yimaada
taana marar badan dhalisa inuu macalinkuna sahashado wax dhigida ama ayba
yaraadaan goobaha wax lagu barto.
Qalinkii:
Cabdiraxmaan Xuseen Jaamac
Abdirahman hussein000@gmail.com
Hargeisa Somaliland